Gabar soomaaliyeed oo ku guulaysatay inay wax ka barato……

0
633

Nadiya xasan oo ah gabar soomaaliyeed oo 16 jir ah ayaa ku guulaysatay in wax ka barato mid ka mid ah kolojyada ugu qaalisan dalka ingiriiska. Marlborough ayaa ah koloj gaar loo leeyahay kaaso lagu dhigto £35000 sanadkii. kolojkaan ayaa waxaa kasoo baxay xaaska raysul-wasarihii hore Ingiriska david camrom Samantha Camron iyo xaaska boqor sugaha ingiriska William oo laduba kasoo jeedo qoyska ugu qanisan Ingiriiska.

Naadiya ayaa ku nool xaafad ka mid ah xaafadaha ugu sabool san magaalada London. Sidoo kale Naadiya waxaa soo korsotay hooyo kaliya halka aabaheed Soomaaliya iska aaday. Hooyadeed ayaa dan yar ah ku nool cayrta ay dowladu siiso, sidoo kalana haysato wiil yar oo xanuun ku dhashay. iyadoo intaas oo dhan ay jiraan ayay Kaltuun oo ah Naadiya hooyadeed waqti iyo qarashba ku bixisay inay caruurteeda dad ugu sara maraan, taasoo alle ku guuleeyay.

Naadiya si bilaash ah iyo baqti nasiib kuma helin deeqda wax barasho ee waa mid dadaal ku yimid, waxaana iskolada wadanka ka jiro ka yaabiyay natiijadii ay ka keentay dugsiga sare. Kolojkaan oo kaliya Naadiya ma aqbalin ee kuwa kale oo caan ah ayaa iyaguna rabay inay boos siiyaan si u helaan gabar sidaan oo kale balse Naadiya ayaa dooratay Marlborough College.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here