Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan xoolo ka badan labo kun oo Neef oo ay sheegeen in ay ka dhaceen Xarakada Al-Shabaab dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan Galbeedka Magaalada Kismaayo.
Jubbaland ayaa sheegay in dad Xoolo dhaqata ah ay Al-Shabaab ay ka dhaceen xoolihii ay haysteen ka dib markii ay diideen in ay bixiyaan waxa ay Al-Shabaab ugu yeeraan Zakawaadka.
Afhayeenka Laamaha amniga Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud Axmed Carab ayaa sheegay in ciidanka Maamulka Jubbaland ay gurmad u fidiyeen dadka shacabka ah ee Al-Shabaab dagaalka kula jira ee ku sugan degaanada ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaaayo.
Waxaa uu sheegay in Ciidanka Maamulka Jubbaland ay wadaan howgallo lagu baadigoobayo xoolihii ay qaateen Al-Shabaab.
Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii Xusay in ay ku dadaali doonaan in ay Al-Shabaab dib uga soo celiyaan xoolahaasi.
Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu eedeeyay Xarakada Al-Shabaab in ay dadka ku nool gobolka Jubbada Hoose ay ka dhaceen xoolo ka badan labo kun oo Neef.
Khadar m siraad
Humbaale News-kismaayo