Farmaajo oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho

0
798

 

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saakay waxa uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International ee Magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo ah Musharax u Taagan xilka Madaxweyne ee dalka ayaa Bulshada dhexdeedana saameyn ballaaran ku leh, waxaana saakay garoonka ku soo dhaweeyay qaar ka tirsan gudiga ku howlan ololihiisa ku aadan Musharaxnimada Madaxtinimada Soomaaliya.

Wadooyinka gala Garoonka Aadan Cadde ayaa la xiray waxaana halkaasi inta badan loo diiday dadka shacabka ah ee doonaayay inay ka qayb qaataan soo dhaweynta Farmaajo.

Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya in Farmaajo uu ka soo baxay Garoonka Aadan Cadde, loona sii wado hooyga looga diyaariyay inuu ka dego Magaalada Muqdisho.
Ololaha ku aadan Doorashada ayaa si xawli ah uga socdo magaalada Muqdisho, iyadoo muddo kooban oo kaliya ay ka harsan tahay waqtiga loo balamay Doorashada madaxtinimada ee soomaaliya.

Khadar maxamed siraad

Humbaale News-Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.