Madaxwaynaha Ruushka oo si layaab leh ooga jawaabay dilkii Safiirka

0
575

Madaxwaynaha Ruushka ayaa ka jawaabay dilkii loo gaystay safiirki Ruusha u fadhiyay Turkiga. Madaxwaynaha ayaa sheegay in dilka safiirka looga dan lahaa in la xumeeyo xariirka u dhaxeeyo Ruushka iyo Turkiga. Dilka ayuu ku tilmaamay mid dano siyaasadeed laga leeyahay. wuxuu sidoo kale sheegay in dilka safiirka ay ka danbeeyeen kooxo ka xun dadaalka uu ruushku ka dhex wado Turkiga iyo Iiraan si xal loogu helo dhibaatada Suuriya.

Hadalka kasoo yeeray Buutin ayaa ah midaan la filayn, waayo Ruushka iyo turkigu waxay laba dhinac oo iska soo horjeedo kaga jiraan dagaalka Suuriya. Sidoo kale dil ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan booliska Turkiga taaso la filayay inuu Buutin ku eedayn doono dilka safiirka madaxda Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here