Sadex qof oo soomaali ah oo lagu dhaawacay masaajid iyagoo tukanayo

0
591

waxaa xalay masaajid ku yaalo magaalada Zuurij ee dalka iswiisarland lagu dhaawacay sadex nin oo somaali ah xilli ay salaad ku jireen. Daalimka dhibka gaystay ayaa la sheegay inuu xabad ku furay dadka tukanayay ka dibna uu cararay. Dood goob joogayaal ah ayaa sheegay inuu daalimku ku labisnaa dhar wada madow madaxa koofi oogu jirtay taasoo tusayso inuu ku talagalay inaan la aqoonsan.

Boolis ayaa si dag dah goobta kusoo gaaray, inkastoo daalimku oo horteed baxsaday. Dhaawaca ayaa loo qaaday cusbitalka, labo ka mid ahna waxaa la sheegayaa inay dhaawac culus qabaan. Arintaan ayaa ah mid ugub ku ah Swiisarland, waana marki ugu horaysay oo dad salaadayo la bar tilmaameedsado. Dad qaar ayaa shagayo inay arintaan la xariirto weerarki xalay ka dhacay dalka Jarmalka halkaasoo dad u dabaal dagayo mowliidki nabi Ciise gaari la jiirsiiyay. Laakiin arintaan wali lama xaqiijin, booliskuna kaliya wuxuu sheegay inuu arintaan ay ula macaamilayaan sidii fal argagixiso.

Dhinaca kale Booliska ayaa helay mayd yaalo meel aan ka fogayn masaajidka la weeraray, walina lama xaqiijin waxa uu yahay. waxaa laga yaabaa inuu yahay daalimki oo naftiisa dilay ka dib weerarki u gaystay dadka musaliinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here