Alenkeey oo isu soo sharaxay Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
480

Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf oo loo yaqaan Alankeey ayaa isu soo taagay inuu qabto xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Alankeey oo ah xildhibaan laga soo doorto dagmada Baardheere ee Gedo ayaa ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii sida weyn ooga dhex muuqday baarlamiaanki hore. waa markii ugu horaysay oo xildhibaan kasoo jeedo Gedo isu soo taago xilkaan.

Lama oga sababta keentay inuu Alankeey xilkaan soo damaaciyo iyadoo inta la ogyahay booskaan ay qayb u leedahay beesha Raxan-weyn. bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jray warar suuqa ku jiray oo sheegayay in Shariif Xasan uu wado inuu xilkaan ka wareejiyo Raxan-weyn si ay fursad ugu helaan xilalka madax weynaha iyo raysul wasaaraha.

Si kastaba ha ahaatee, Alankeey ayaa ka mid ah xildhibaanada fara ku tiriska ah ee sida saxda waajibaad kooda u gudo, xilkaan uu qabtana waxay ka dhigantahay tabaalo horay loo qaaday iyo horumar soo iftiimay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here