Caabud-Waaq: Magaalo dadku wada hubaysanyahay, culumo iyo caamaba

0
563

magaalada Caabudwaaq oo ku taal waqooyiga Galgaduud ayaa noqotay meelaha ugu amaanka xun dalka Soomaaliya. C/waaq oo ah magaalo weyn dad aad u badana ku noolyihiin ayaa waxaa isku hayyo beelo ka badan shan oo dhamaan isku hayb ah. lama yaqaan sababta dhabta ee dadkaan ugu heshiin la’yihiin magaalo ku filan, balse dad qaar ayaa ku doodayo in fara galin meelo badan ka imaanayso ay masuul ka tahay dhibka ka jiro C/Waaq.

Dhamaan dad ku nool C/waaq ayaa wada hubaysan saqiir iyo kabiirba. Laakiin hubka la wato ayaa kala duwan. dadku qaar waxay ku hubaysanyihiin qoryo waaweyn sida AK, baasuuke IWM, qaar waxaa hoosta ugu jiro bistoolado halka qaar ay ku hubaysanyihiin Aayad kursi iyo Yaashiin.

ma muuqato saansaan nabadeed, dadkuna uma bisla inay isu tanaasulaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here