Deg Deg: baaritaan aywadaan ciidamada jubbaland Ee kusugan Degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo

0
506

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saaka waxey howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafadaha ku teedsan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Howlgalladan ayaa waxey ka dambeeyeen kadib markii Qarax miino halkaasi Xalay lagula eegtay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Kabtan Cumar Inshar pool oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa waxuu sheegay in howlgalladan ay ku doonayaan soo qabashada raggii ka dambeeyay Qaraxaasi.

Kabtanka oo la hadlayay Xafiiska wararka ee Humbaale News ee magaalada baardheere ayaa xusay in howlgallada sidoo kale ay qeyb yihiin kuwa lagu sugayo amniga Magaalada Baardheere.

Dhawaan ayee aheyd markii dabley hubeysan ay Magaalada Baardheere ku Dileen Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khadar maxamed sitar
HumbaaleNews. Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here