Gawrac Doofaarada’: Argagaxiyihii Berlin wadan ka Jarmal ee mar dhaweyd Daacish baahisay, kaas u ku dhawaaqaayay Kufaarta ciqaaba.
DIGNIIN SAWIRADA HOOSE HA DAAWAN HADII AAD TAHAY QOF CALOOL JILICSAN.
Is rasaaseyn ka dhacday magaalada Milan wadan ka Talyaaniga ayaa waxaa lagu dilay Anis Amri oo 24 jir ahaa, kaas oo ka dambeeyay fal argaxgaxisnimo oo gawaarida xamuuliga ah ku dilay shacab ah oo ka dhacday Berlin wadan ka Jarmal ka.
Bursi lagu haayay mudo dhan 4 maalin ayaa ugu dambeyn 2 ciidan-ka boolis ka magaalada milan ku dileen Anis Amri.
Israsaaseynta ayaa timid markii Anis Amri uu soo gaaray magaalada Milan markii uu isagoo baxsad kasoo galay dhan ka magaalada Chambery ee wadan ka Faransa.
Daacish ayaa soo dhigtay filim eey ka diyaariyeen Anis Amri intuusan falka geysan ka hor. Anis Amir ayaa sheegaayo in la laayo Gaalada meeshii lagu arkabo.
Waa Meyd kii Anis Amri oo baaritaan eey ku hayaan ciidamada talyaaniga.
sarkaal u hadlay ciidamada booliis ka ee magaalada Milan ayaa sheegay Anis Amri inuu ku dhawaaqaayay ALLAHU AKBAR intuusan dhiman ka hor.
Anis Amri 24 jir ugu qatarta badan qaarada yurub.
CADEYN; Cadeyntan ayeey soo bandhigeen booliis ka milan iyagoo ku sheegeen inuu watay Anis Amri waxeeyna wadaan baaritaano eey ku baarayaan ineey bistooladaan dil hore loogu geystay.
Subaxnimadii Isniinta abaarihii 7 subaxnimo ayuu falka geystay Anis Amri, Talaado 3:30 habeenimo saqdii dhexe ayuu kasoo baxay waxuuna gaaray magaalada Chambery ee wadan ka Faransa. Anis Amri waxuu usoo dhaqaaqay dhan ka Talyaaniga balse markii uusoo gaaray magaalada Turin ayaa waxaa ka war helay ciidama booliis ka Talyaaniga, Halkaas eey israasaaaseyn kasoo bilaabatay ilaa laga soo gaaro magaalada Milan oo Anis Amri lagu dilay.
Luca Scata nin kii dilay Anis Amri, boolis ka milyan ayaa ka dhawaajiyay in Luca Scata uu yahay halyeeygii dilay nin ka qaarada loogu raadis ka badnaa ee Anis Amri.
Mid ka mid ah ciidamada boolis ka Milan oo lagu magacaabo Christian Moveo ayaa ku dhaawacmay israsaaseyntii dhex martay Anis Amri iyo Booliis ka magaalada Milan.
Angela Merkel ayaa shir eey qabatay ku sheegtay wax lala fajaco in Anis Amri uu kale goosho 3 wadan.
Wiil la dhashay Anis Amri ayaa wareysi uu siiyay warbaahinada wadan ka jarmal ku sheegay ineey waalid ka dhalay Anis Amir eey xanuusanayaan ka dib markii eey maqleen dhimashada wiil kooda iyo falka uu geystay.
Aabaha dhalay Anis Amri.
Suaalaha ugu badan ayaa ka imaanaayo 4 MAALIN SIDEE BEEY UGU QAADATAY IN QAARADA YURUB ANIS AMRI OO SHAQSI QURA AH EEY ISKU BURSADAAN 3 WADAN BOOLIIS KOODA?
Dalia Elyakim, aa kasoo jeeda Herzliya wadan ka isra’iil waa qof kii ee ugu hor dilay Anis Amri.
Sirdoonada qaarada yurub ayaa heegan wada galay si eey ugu hortagaaan falalka argagaxnimo ee isa soo taraayo. Iyadaa dad badan beey usoo qabqabteen argagaxasnimo.