RAISAL WASAARE Haile Mariam Dessalines -KACDOON KII ITOOBIYA OO KASII XOOGEYSTAY.

0
472

Hogaan ka sare ee xukuumada Itoobiya ayaa ka dhawaajisay in xukuumada Masar eey wado uruurin eey uruurineyso qolyaha gobonimo doonka ah, kuwaas oo la iskugu geeynaayo magaalada Qaahira ee wadan ka Masar.

Telefishin ka Aljazeera ayaa wareysi la yeeshay Haile Mariam Dessalines R/wasaaraha Itoobiya ku sheegay ineey xukumadiisa eey la kulmeyso caqabada cusub oo aan horey looga baran Qawmiyadaha gobonimo doonka ah iyo culeys kaga imaanaayo dawlada Masar.

Haile Mariam Dessalines ayaa TV-ga aljazeera sidaan u sheegay:

Eriteriya ayaa waxeey aad u hubeeyneysaa Qawmiyadaha kasoo horjeeda xasiloonida itoobiya.

Masar waxeey eeganeysaa danteeda oo waxeey rabtaa ineey burburiso qaranimada itoobiya.

Kacdoon ka jiro wadan ka aad buu usii xoogeysanayaa oo meel walbo ayuu ka biloowday haba ugu darnaado gobolada Oromiya iyo Wanyamana.

Haile Mariam Dessalines waxuu aad ugu celceliya in qilaaf xoogan uu ka dhex jira Masar iyo Itoobiya kaas oo ka imaanaayo webiga Nile.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here