Qaraar kasoo baxay Qaramada Midooba ayaa sheegaya ineey Isra’il joojiso dhismayaasha eey kawada deegaanada Falastiin.
Mareykan ayaa isku dayay inuu adeegsado Veto-Power codeynta ka dhan ah Isra’il in lagu cambaareeyay .
Qoraal qabyo ah ayeey Masar isku dayday ineey ka gudbiso Israil balse madaxweynaha cunsurinamada ku caan baxay ee wadanka Mareykan-ka ayaa qadka teleefanka kula hadlaya xukuumada Masar si eey ula laabato qoraaladaas.
Wadamada New zealand, Senegal, Malaysia iyo Venezuela ayaa UN-ta ka hor cadeeyay ineey qaraar ka dhan Israil ineey hor keeni doonaan qaramada midoobo hadeeey xataa Masar la laabato.
Saraakiisha sar sare ee xukuumada Isra’il ayaanan ku faraxsaneyn codeynta ka dhacday UN iyo hab dhaqanada dawlada Mareykan-ka. Sarkaal u hadlaayay xukuumada Yuhuuda ayaa sheegay in xiriir kii ka dhexeeyay Yuhuuda iyo Mareykan uusan aheyn sidii hore loogu yaqiinay.
Yuhuuda ayaa eedeyn weyn dusha ugu tuurtay Xukuumada cusub ee Trump, iyadoo weliba madaxweynaha cusub ee dawlada Mareykan uu durbo faragelin ku bilaabay Falastiiniyiinta.
Madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamud Cabaas ayaa farxad ka muujiyay dhaqdhaaqyada cusub ee kasoo muuqanaayo UN-ta iyo codeymaha wadama ka badan 13 wadan oo cambaareyn israil soo dhaweeyay.