Jubbaland: Mohamud Sayid Oo Soo magacaabay Masuuliyiinta Gobalka Gedo.

0
633

Iyadoo dhawaan Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubaland uu soo magacaabey Maamul ay yeelanayaan degmooyinka gobolka Gedo

Kaas oo buuq iyo khilaaf xoogan soo kala dhexgaliyey beelaha walaal aha ah ee ku nool
Degmooyinka gobolka gedo

Ayaa waxaa ilaa iyo haatan isa soo taraayo khilaafaadkaasi iyo cabashooyinka ka dash magacaabista uu dhawaan gobolka gedo kasameeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid aadan

Beesha reer Ugaas Sharmaake waa mid ka mid ah beelaha Sade waxana ay si Weyn ooga soo horjeedaa magacaabista uu dhawaan ka sameeyey degmooyinka gobolka gedo Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid aadan
Waxana ay sheegeen in uusan magacaabistaas ku saleynin qaabka awood qeybsiga beelaha dago gobolka gedo
Waxaana nabadoono siyaasiyiin iyo aqoonyahano kasoo jeedo beeshaan ay warqad cabasho ah usoo direen madaxweynaha Jubaland axmed maxamed islaam iyo sidoo kale wasiirada arimaha Gudaha iyo amniga Jubaland taas oo ay kaga cabanayaan in ay magacaabistaas ka waayeen qoondadii awood qeybsiga ee ay ku lahaayeen gobolka gedo heer gobol iyo heer degmo

HOOS KA AQRISO WARQADA KASOO BAXDEY BEESHA REER UGAAS SHARMAAKE
KU: Madaxweynaha Jubaland
Ku: Wasaarada Arimaha Gudaha ee Jubaland
Ku: Wasiirka Amniga ee Jubaland
Og: Gudoomiyaha gobalka Gedo ee Jubaland
og: Taliyaha guutada 9aad ee dawlada federalka gobalka Gedo

UJEEDO: CABASHO

Markay Beesha Reer ugaas sharmaake aragtay digreetooyinka maamul heer gobal iyo degmo oo uu soo magacaabay madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubaland (Maxamuud sayid Aadan)kuwaasoo aan ku salaysnayn habka awood qaybsi ee deegaanka taasoo carqaladaynayso hormarka iyo amniga gobalka iyo deegaanada ay ku wada nool yihiin dadka walaalaha ah iyo israaca Jubaland sidaa daraaded Beesha Reer Ugaas Sharmaake ee ku nool dal iyo dibadba waxay si cad u qaadaceen digreetooyinka uu soo magacaabay madaxweyne ku xigeenka 1aad ee jubaland.
Sidaa si la mid ah Beeshu waxay ka digaysaa in aan loo isticmaalin dawladnimada Jubaland danaha gaarka ah iyo iska horkeenida beelaha walaalaha ah ee wada nool waxayna wax garadka iyo Aqoonyahanada beesha Ka codsanayaan mas`uuliyiinta ay ku socoto waeqadaan inay si dagdag ah wax ooga qabtaan dhibaatada lagu samaynayo shacabka Jubaland

NABADOONADA IYO WAX GARADKA BEESHA REER UGAAS SHARMAAKE
Farax Hire Guhaad ___________Nabadoon
Xuseen Cali Biixi _____________Nabadoon
Sheekh Xasan Farax _________Nabadoon
Maxamuud xirsi Farax ________Nabadoon
Sheekh Xasan Jamac __________Nabadoon
Axmed Ciise Cali _________Nabadoon
Maxamed Gaaciye Shide _____Nabadoon
Cali Yuusuf Tuurte __________Nabadoon
Muxumed Maxamed Cali ____Nabadoon
Bishaar Nuur Cismaan _______Nabadoon
Cabdulaahi Sheekh Axmed
Siraad Jubaland
C/raxman Maxamed Cabdulaahi
Maxamed Xirsi Dhudi
Maxamed Cabdi Colaad
C/waxid Farax Muuse

Wabilaahi Towfooq

Khadar M Siraad

Humbaale-Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here