Kenya: Al-shabab Oo looga shakiyey iney markale dulaan Ku Soo qaataan degaanada Wajir Ee Kenya

0
469

Saraakiil ka tirsan Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in rag looga shakiyey Al Shabaab  ay weerar ku qaadeen deegaanka Dhagaxkut oo ka tirsan degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari.

Booliiska ayaa xusay in raggaasi ay weerarkooda u adeegsadeen waxyaabaha Qarxa waxaana ay halkaasi ku dileen l2 qof  oo sida la sheegay ka shaqeynayey Wado uu dhismo ku socday.

Andrew Mwiti oo ka tirsan Madaxda deegaanka Tarbaj oo ku dhaw halka uu weerarka uu ka dhacay ayaa sheegay in dagaalyahanada weerarka gaystay ay burburiyeen Anteenada shirkada Telefoonada ee Safaricom isagoo intaas ku daray in ay gubeen Gadiid yaalay Agagaarka xarunta Shirkadda.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii weerarka gaystay.

Mr Mwiti ayaa intaasi ku daray in dagaalyanada Al Shabaab ay inta badan weerarkaasi u adeegsadeen Bambaanooyinka gacanta lagu tuuro taas oo ay ka burburiyeen Anteenada Shirkadda Safaricom.

Weerarka lagu burburiye Anteenada Shirkada Isgaarsiinta ee Safaricom ayaa noqonaya kii 3aad oo mudo bil gudaheed ah Al Shabaab ay ka gasytaan gobalka Waqooyi ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here