Maamulka Balad-xaawo: Aroos qaali ah lama dhigi karo

0
728

maamul dagamada Balad-xaawo ayaa amarro kusoo rogay dad dhiganayo aroosyada. maamulka ayaa sheegay in la dhimayo qarashka ay waalida ku tilmaameen ee ku baxo aroosyada. Maamul ayaa ka dhigay qarashka ku baxo arooska $600 halki uu marki hore ahaa $3500; sooryada ayaa iyaduna laga dhigay $100 kaliya iyadoo laga soo celiyay $400. Baabuurta lagu hooyo caruuska iyo caruusada ayaan hadda laga badin karin 2 gaari halki marki hore dadku xor u ahaayeen intay qaadanayaan.  Aqalka waxaa la ogolyahay 1 sariir iyo joradigeeda mid lagu nasto waxan la diiday fadhi carbeed, dahyo badan ,kuras, tv qaboojiye iyo alabta kale ee raaxada.

Maamulka ayaa ku andacooday inay fulinayaan talo soo jeedin ooga timid culimada oo codsatay in la qafiifiyo guurka. waxaase su’aal mudan tani ma qafiifinbaa mise waa ciqaab? dadka intiisa badan ayaa is waydiinayo sida maamul sugi waayay amaanka dagmada uu u ilaalin karo sariirta ku jirto guryaha dadku daganyihiin?

Talabaadaan uu maamulku qaaday ayaa u muuqato qaab cusub oo dadka lagu maskax dilayo iyadoo maleeshiyaad hubaysan ay u isticmaali doonaan qaab ay laaluush ku qaataan. Balad xaawo maahan maamulki ugu horeeyay ee mamnuuco aroosyada qaaliga ah balse waxay la dheer yihiin kuwii hore jaan go’aynta alaabta guriga la dhiganayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here