Xeer Ilaaliyihii guud ee Maxkamada Ciidamada Puntland Kor. C/kariin Xasan Firdhiye ayaa maantay lagu dilay magaalada Boosaaso, kadib markii ay rag la sheegay in ay bustooladdo ku hubaysnaa ay rasaas ku fureen.
Weeraradaan Ayaa Isa sootarayo maalinba maalinta Ka dambeyso. Boosaaso ayaan lagu aqoon weerarada noocaan Oo kale ah.
Dilka xeer Ilaaliyaha ayaa noqonaya dilkii saddexaad ee muddo labo toddobaad ah ka dhaca magaaladda Bosaso, waxaana hore magaalada loogu dilay Maamulihii madaxtooyadda Bosaso iyo taliye K/xigeenkii saddexaad ee Booliiska Puntland.
Mohammed ahmed
Humbaale News.