Warar kasoo yeeraayo magaalada Boosaaso ee gobolka beri ayaa sheegaayo in rag hubeysan eey dileen xeer ilaaliyihi guud ee maamulka goboleed-ka Puntland.
Waxaa durbadiiba sheegtay Al-Shabaab dil ka loo geystay xeer ilaaliyaha guud ee maamul ka goboleed ka Puntland.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in bartamaha Boosaaso lagu dilay Col. Cabdi Kariim Xasan Fardhiye oo kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu sarraysa maamulka Puntland.
Idaacada ku hadasha afka alshabaab ayaa wareysi uu siiyay Abu Muscab ayuu ku sheegay ineey dileen xeer ilaaliyaha ugu sareeya maamul goboleed ka Puntland.
Dilal kaan noocaan oo kale ah kuma cusbo magaalada Boosaaso iyadoo ilaa haatan eeysan jirin qaab siyaasadeed eey ugu hortagaan dilal ka qorsheysan ee loo geysanaayo madax sarsare ee maamul goboleed ka Puntland.
Maalmo ka hor ayaa dil loo geystay isku dabaridaha madaxtooyada puntland.