Xog: Dowlada Soomaaliya oo ku hanjabtay inay qaadka Kenya Joojinayso: sabab?

0
483

Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeesay dhigeeda Kenya inay ka baxday balantii ay wada galeen ee ku saabsanayd furitaanka qaadka. masuuliyiin u hadlay Soomaaliya ayaa sheegay in sababtii ay u fasaxeen qaadka ay ahayd inaan Soomaalida lagu baarin wajeer, balse balantaas ay Kenya fulin wayday. Masuuliyiintaan ayaa sheegay hadii ay kenya fulin waydo balamihii hore inay mar kale mamnuuci doonaan qaadka ka yiaado kenya.

Kenya ayaa maalin walbo u dhoofiso Soomaaliya qaad boqolaal tan ah, wuxuuna ka mid yahay ilaha ugu muhiimsan ee ay ka hesho lacagta adag. bartamihii sanadkaan ayay dowlada Soomaliya ku dhaqaaqday inay joojisay qaadki Soomaaliya ka imaan jiray, mana aysan sheegin sababta ka danbaysay. Laakiin wadahadl dhex maray Madaxwaynayaasha Kenya iyo soomaaliya ayaa suura galiyay in mar kale dib loo furo qaadki Kenya. Taas badalkeedi ayay Soomaaliya sheegtay in loo ogolaaday in diyaaradaha Xamar ka kaco ay toos ugu dagaan Nairobi, lana joojiyo in lagu weeciyo Wajeer. Soomaalida u dhoofayso nairobi ayaa dhib badan kala kulmo maritaanka Wajeer, halkaas oo si fool loogu bah dilo dadka shacabka ah.

Lama oga inay Soomaaliya ka dhabayn doonto hanjabaadaan. Kenya ayaa si weyn u og inaysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo awood ay wax ku diido leh, sidaa awgeed waxay u badan tahay inaysan dhaq jalaq u siin dhawaqa kasoo yeeray Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here