War deg deg ah: kooxo hubeysan Oo Ku dilay 5 Ruux degaanada jubbaland Ee Feer-sagaaro

0
519

Wararka laga helayo Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta Kooxo hubeysan ay 5 Ruux ku Dileen Degaanka Feer-Sagaaro ee Gobolkaasi.

Degaankan ayaa qiyaas ahaan 70Km waxuu u jiraa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa waxey sheegeen Dadka la dilay ay ahaayeen Xoolo dhaqato.

Dableydii ka dambeysay Dilkaasi ayaa isaga baxsaday goobta.

Xiriiro kala duwan aan la sameynay Saraakiisha Maamulka Jubaland ayaa inoo suuri gelin aan qadka ku haleelno si aan wax uga weydiino arimaha ku saabsan Dilkaasi.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Shacabkii lagu laayay Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Balse kooxda alshabaab ayaa loo malaynayaa in falkan ay kadambeeyaan kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu jiray khilaaf kadhashay xoolo ay dhaceen kooxda alshabaab oo laga qaatay Dad xoolo dhaqata ah.

Khadar m siraad

humbaale News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here