Qarax Miino ayaa waxaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM lagula eegtay deegaanka Lambar 60 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ilo lagu Kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uusan Khasaaro ka soo gaarin Ciidamada AMISOM ee lla beegsadey.
Balse Ciidamada AMISOM ee lala beegsaday Qaraxaasi ayaa la xaqiijiyay in meesha wax ka dhaceen ay isku geedaameen qaraxa ka dib.
Illaa 2 qof oo shacab ahaa ayaana la soo warinayaa in Ciidamada AMISOM ay halkaasi ku dileen.
Mana jiro wax war ah oo ay ka soo saareen Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Mamaulka Gobolka Shabeelaha Hoose Qaraxa iyo falka dilalka ah ee ka dambeeyay.
Khadar maxamed siraad.
HumbaaleNews.