Qaban-qaabada xafladda dhaarinta xildhibaanada oo ka socota Muqdisho

0
536

HUMBAALE NEWS

Qaban-qaabada xafladda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka socota magaalada Muqdisho,gaar ahaan dugsiga booliiska ee Jeneraal Kaahiye.

Madaxda dowladdaSoomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo wakiilllo ka kala socda beesha caalamka,ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan Xafladda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka .

Dhaarinta xildhibaanada kaddib ayaa la filayaa in baarlamanka cusub uu yeesho kalfadhigiisa ugu horeeya, si ay mudanayaashu u doortaan guddoon ku meel gaar ah oo noqon doona qofka ugu da’da weyn, kaaso hoggaamin doona tan iyo inta laga dooranayo guddoon rasmi ah.

Mohamed ahmed
Humbaale News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here