Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay u xaalwaysay weerarada hubeysan ee kaga imaanaya dagaalyanahada Xarakada Shabaab.
Kenya ayaa sheegtay in weerarada Al Shabaab ay kusii xoogeysteen gobolka NFD islamarkaana ay waqti dheeri ah ku dartay bandawgii saarnaa gobolkaasi.
joseph Nkaissary oo ah wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi wuxuu ku sheegay in sedax bilood dheeri ah ay ku dareen bandawgii saarnaa gobolka ‘ Waqooyi Bari’.
Dowladda Kenya ayaa ku amartay dadka deggan Mandheera iyo magaalooyinka kale oo ay Wajeer kamid tahay in aysan guryahooda ka bixi Karin 6:30 Maqribnimo illaa 6:30 aroornimo.
Boqolaal qof Kenyaan ah ayaa labadii sanadood ee lasoo dhaafay lagu dilay weeraro ay ciidamada Xarakada Al Shabaab ka fuliyeen Mandheera iyo duleedkeeda.