waxaa si habsami leh u socdo dhismaha jaamacada Galgaduud ee ku tal magaalada Caabudwaaq. Dhismaha oo bilwoday bil ka hor ayaa waxaa la dhameeyay darbigi oo lagu wareejiyay dhamaan dhulka ay jaamacadu ku fadhido. Haatan ayaa waxa socdo dhismaha xafiisyada jaamacada oo ay ku bixi lahayd lacag gaarayso $53000. Dhismaha xafiisyada ayaa meel fiican marayso sida idiin kaga muuqato sawirada hoose. Qarashka ku baxayo dhismahaan ayaa waxaa dhamaantiisba bixiyay dadka deegaan kasoo jeedo oo meelo kala duwan kasoo diray lacagaha.
dhismaha Jaamacada ayaa waxaa isku dayay inay joojiyaan dad wanaag la dirir ah balse Eebe ayaa ka hiiliyay hadana waxaa dhow in laga guul gaaro dhamaystirka dhismaha.