Shir looga hadlayo Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

0
994


Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ,Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda cunadda iyo beeraha u qaabilsan QM ee FAO ayaa soo qaban qaabisay shir looga hadlayay horumarinta qorshaha qaranka ee Xanaanada xoolaha Soomaaliya ee sedaxda sano ee soo socota oo ay ka qeyb galeen Wasaaradaha xanaanada xoolaha ee Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale qubaro dhinaca xanaanada xoolaha ah.

Shirkan ayaa waxa uu daba socdaa laba shir oo bartamihii sanadkan ka dhacay magaaladda muqdisho kuwaasoo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ,Dhirta iyo daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha xanaanada xoolaha ee Dowlad Goboleedyada ay uga hadleen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo in si wadajir ah looga wada shaqeeyo qorshaha xananada xoolaha Soomaaliya ee sedaxda sano ee soo socota,waxaana shirka maanta furitaankiisa goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wakiilada ka socda Dowlad Goboleedyada ee Shirka joogay ayaa ka hadlay muhiimada shirkan uu yahay iyo sidoo kale sida wasaarada xanaanada xoolaha ee dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay uga wada shaqeyn karaa horumarinta xanaanada xoolaha soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ,dhirta iyo daaqa ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar oo shirka furay ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid mihiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaan C/Naasir Siciid Muuse iyo Xildhibaan Sidiiq Warfaa oo labadaba ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku amaanay wasaarada xanaanada xoolaha ee dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada sida ay uga go’antahay ka mira dhalinta qorshaha horumarinta xanaanada xoolaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa ku amaanay wakiilada ka socday Dowlad goboleedyada sida ay uga go’antahay horumarinta qorshaha lagu horumarinayo xoolaha Soomaaliya ,isagoo sidoo kale sheegay in gebe gebada wixii ka soo baxa a hir gelin doono.

Shirkan oo socon doona mudo laba cisha ah ayaa lagu sii amba qaadi doonnaa qodobo dhowr shir oo horey loo qabtay kasoo baxay waxaana ka qeyb galayaasha ay ka hadli doonaan mudada ay ku shirsanyihiin magaalada muqdisho horumarinta qorshaha qaranka ee xanaanada xoolaha soomaaliya.

mohamed ahmed

humbaale news.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.