Xariirka kubada kacta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay horyaalka ka bilaabayo Jubbaland. Horyaalkaan oo ay ka qayb galayaan 8 kooxood oo kala yimid gobolada jubbaland State ayaa socon doono muddo 5 bilood ah. Horyaankaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ay ka dhaca dalka soomaaliya. Madaxa xariirka kubada cakta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab oo ka hadlayo arintan ayaa yiri “Waa Horyaal u gaar ah Jubbaland, waana markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo horyaal noocaan oo kale ah laga billaabo maamul goboleedka, iyadoo uu socon doono muddo afar ilaa shan bilood ah”.
xoghayaha ayaa sheegay inay ciyaarahaan oo kale ay ka hirgalin doonaan dhamaan muumul goboleedyada dalka uuna rumaysanyahay inay ka qayb qaadan doonaan isdhex galka bulshada iyo harumarinta nabada. Jubbaland ayaa noqotay hotmuudka maamul goboleeyada dalka ka jira.
Isha: Kismaayonews