Maamul Ka Degmada Luuq-Ganaane Ee Gobalka Gedo Oo qabtay Daawo loo waday ururka Al-shabaab Ee Ku Joogo Gobalka Baay.

0
767

Maamulka Gobolka Gedo oo baaraya Daawooyin loo waday Al Shabaab

Maamulka Gobolka Gedo, ayaa bilaabay baaritaano ay ku samaynayan daawooyin ay leedahaay Hay’adda World Vision, oo Shalay Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay ku qabteen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji, ayaa sheegay in gaari siday daawooyinkani uu ka soo amba baxay Degmada Doolow, uuna ku sii jeeday Gobolka Baay.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa tilmaamay in shakigoodu uu ka dhashay, gaarigaasi oo si nabdoon ku soo dhex maray dhulka u dhaxeeya Degmooyinka Doolow iyo Luuq, xilli sida uu sheegay ay dhulkaasi ku sugan yihiin Xoogaga Al Shabaab.

Cusmaan Nuux Xaaji ayaa isweydiyey sababta ay Al Shabaab ula wareegi waayeen gaarigii daawooyinka siday, oo si nabdoon ku soo dhex maray dhulka ay ku sugan yihiin.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa waxuu carabaka ku dhuftay  Al Shabaab looga bartay in ay dhacaan daawooyinka, ay leeyihiin Hay’adaha Qaramada Midoobe.

Cismaan Nuux, ayaa wuxuu intaa ku daray in daawooyinkan ay u maleynayan in loo waday Shabaabka Gobolka Baay, balse sida uu sheegay ay baaritaano ku wadaan.

Ugu dambeyn, Gudoomiye Ku Xigeen Maamulka Gobolka Gedo ayaa tibaaxay in 3 Ruux oo la socotay Gaariga u rarnaa hay’ada World Vision ay gacanta ku dhigeen ayna qireen in Dawadaasi loo waday Degaano ka tirsan Gobolka Baay.

Khadar maxamed siraad Humbaale News baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here