Shabaab oo Afgooye weeraray

0
648

caaway salaada maqrib marki lagu jiray ayaa waxaa weerar culus magaalada afgooye ku qaaday kooxda Al-shabaab. kooxda weerarka qaaday ayaa ku hubaysnaa qoryaha darndooriga u dhaco, bambaanooyin iyo baasuukayaal.

dadka deegaa ayaa sheegay inay kooxdan dhufaysyo galeen dadka u sheegaan inay guryahooda xabada ka galaan ka hor inti aysan weerarin koontarool ay ku sugnaayeen ciimada dowlada. Ibrahim Aden Ali, barasaabka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in ciidamadooda ay weerar gaama ah kala kulmeen kooxda Shabaab balse ay is caabiyeen kuna qasbeen inay dib u gurtaan. Barasaab ayaa intaas ku daray in labo askari ay ka dileen kooxda shabaab halka ay lix ka dhaawaceen balse xagooda 3 askari kaliya laga dhaawacay.

Balse xarakada shabaab ayaa sheegatay inay dileen lix askari waqti koobana ay la wareegeen gacan ku haynta dfagmada Afgooye.

Wixii soo kordha kala soco Humbaale.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here