Donald Trump Oo Amaanay Vladimir Putin

0
576

Madaxweynaha cusub af adeega ku caan baxay ee Mr Donald Trump ayaa amaan dusha kaga tuuray madaxa ruushka ee Vladimir Putin, taas oo imaaneyso markii uu Wadanka Mareykanka laga eryay Diplomaasiyiin u dhashay Ruushka.

Dawlada mareykanka ayaa ku eedeysay Diplomaasiyiintaas ineey faragelin ku sameeyeen doorashada Mareykanka.

 

Dawlada mareykanka ayaa ceyrisay shaqaalo reer ruush ah oo ka hawl galaayay safaarada ruushka ee wadanka mareykanka.

Madaxweyna Vladimir Putin ayaa warbaahinada reer galbeedka iyo Ruushka u sheegay inuusan eryin doonaan diplomaasiyiinta reer Mareekan.

Laanta ugu sareyso wasaarada arimaha dibada wadanka Ruushka ayaa waqti hore ka dhawaajisay ineey 35 diplomaasiyiin reer mareykan ka eriso Ruushka taa u dhigmeyso ficilka eey ku dhaqaaqday dawlada Mareeykanka.

Qoraalka barta Twitter-ka ee Donald Trump

Madaxweynaha cusub ee wadanka Mareykan ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Twitter-ka ku amaanay madaxweyne Vladimir Putin.

Musharaxii hore ee dawlada Mareykanka John Mcain ayaa isagana ku tilmaamay tilaabada ee dawlada Ruushka qaaday mid wanaagsan oo loo baahan in lagu daydo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here