Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in Gaari la rumeysan yahay in ay wateen rag ka tirsan Al Shabaab uu ku qarxay inta u dhexeysa degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Buusaar ee Gobolkaasi Gedo.
Ilo wareedyo meesha wax ka dhaceen ku sugan ayaa Humbaale u xaqiijiyay in Gaarogaasi ay la socdeen Rag ka tirsan Al Shabaab kaas oo ku basbeelay Qaraxaasi.
Qaraxaan ayaa sida uu Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji u xaqiijiyay warbaahinta ku geeriyooday illaa 5 qof oo mid ka mid ah uu ahaa Sarkaal uu Magaciisa ku soo koobay Muscab.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in xalay kooxo ka tirsan Al Shabaab ay weerar bambaanooyin ah ku qaadeen Guriga Guddoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe.
Waxaana uu sheegay in weerarkaas uu dhacay xilli Guddoomiyuhu ka maqnaa Gurigiisa islamarkaana aanu jirin cid wax ku noqotay.