Barasaabka Gobalka Gedo oo shirka ku qabtay qadka taleefanka

0
482

Gudoomiyaha cusub ee gobalka Gedo Jaalle Maxamed Muxumed Maxamed ayaa shir ay kasoo qayb galeen boqolaal ka mid ah jaaliyada dibada ku qabtay qadka taleefanka. ujeedka shirkaan ayaa ahaa inuu gudoomiyuhu war bixin ka siiyo jaaliyada xaalada gobalka iyo wixii qabsoomay mudadii yarayd ee uu xilka hayay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay wax badan qabsoomeen xaga maamulka iyo amniga. wuxuu sheegay inay isku xireen dhamaan ciidamada gobalka, wada shaqayn kala amar qaadashana ay ka dhex abuureen. intuusan imaan gudomiyaha ayay xaalda ciidamadu ahayd mid wareersan oo kooxba meel ku oodantahay. Guddomiyu wuxuu sheegay inay 200 oo askari oo boolis ah dhawaan tabar usoo xirmayo kuwaasoo ka howl gali dooni dhamaan dagmooyinka gobalka. gudoomiyaha ayaa sheegay inay kala saareen maamulka iyo ciidank amniga. Halkii awal ay ciidamadu ka amar qaadan jireen godoomiyaasha  dagmooyinka ayay hadda ka amar qaadan kaliya taliyaha ciidamada dagmada.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay horumarinta caafimaadka gobalkka tasoo uu sheegay inay dad badan kala hadleen gaar ahaan hay’adaha ka shaqeeyo caafimaadka. wuxuu sheegay inay diyariyeen qorshe balaaran oo lagu hor marinayo howlaha caafimaadka gobalka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inu jiro qorsho balaaran oo isna lagu hormarinayo xaalada wax barashada gobalka. wuxuu sheegay inay socdaan dhismaayaal badan oo iskoolo iyo kuwo loo diyaarinayo inay mustaqbalka noqdaan jaamacada.

isku soo wada duudooboo, howlaha uu wado Maxamed Muxumed ayaa mid ku cusub gobalka. waa markii ugu horaysay ee war bixin joogto lala wadaago dhamaan dad weynaha gobalka. waa markii ugu horaysay ee barasaab gobal uu la xisaabtamo  hay’adaha gobalka iyo madaxda dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here