Kolonyo ciidanka Amisom ah oo Qarax lagu la eegtay Gobolka sh.Hoosee.

0
801

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay Duleedka Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.

Qaraxan ayaa lagu beegsaday Kolonyada Ciidamada AMISOM oo ku wajahneyd sida la sheegay Garoonka Diyaaradaha ee Degaanka Balidoogle.

Kolonyadan ayaa markii hore ka ambabaxday Magaalada Muqdisho, waxaana saanad militari ay gaarsiisay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, islamarkaana uu khasaro burburleh ka soo gaaray Kolonyada AMISOM.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab oo dhabarka u ritay mas’uuliyada Qaraxaasi ayaa waxey sheegeen in Qarax ay ku Dileen ugu yaraan 3 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Nabad Ilaalada ee AMISOM.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Taliska AMISOM oo ku aadan warkan ka soo yeeray Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.