Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta 1 January Sanadka Cusub ee 2017 wax Golaha Xukuumada uu u jeediyay khudbada Sanad laha ah ee 2017.

0
926

Shirkii koobad ee Golaha Wasiirada Sanadkan Cusub 2017 waxa lagu falanqeeyay Waxyabahii u qabsoomay Sanadkii hore ee 2016 iyadoo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam qudbad dheer oo uu Golaha u jeediyay uu kaga hadlay Arimo kala duwan.

1) Dhamaystirka Dib u Heshiisinta.

Madaxweynaha Jubbaland waxa uu xusay in Sanadkii tagay ay Jubbaland si guud usoo afmeertay dadaaladii dib u heshiisinta kuwaas oo guulo la tabac karo ay kasoo bexeen isla markana ay ka dhalatay isku duubni shacab.

“Manta waxaan idiin Cadaynayaa in Jubbaland aysan ka jirin qabiilo is laynaya ama xiita colada isku qaba marka laga reebo Beesha Xiiranta/qolyaha Nabad diidka ah oo iyagu cid walba dagaal kula jira wax ay dhaafayaana uuna jirin” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam isagoo ugu baaqay dadweynaha in midnimo iyo wadajir.

2) Xoraynta Gobolada Maqan iyo amaanka.

Madaxweynahu wuxuu cadeeyay in amaan la isku halyn karo uu ka jiro deeganada Xorta ah ee Jubbaland isagoo hoosta ka xariiqay in taas lagu gaaray isku duubni Bulshada iyo Hay’adaha amaanka ah waxaana uu dadweynaha ku booriyay in Nabada ay ilaashadan oo ay Dowlada kala shaqeeyan.

Deeganada Gacanta Dowlada ka maan ajuus xusay in Sanadkan 2017 gacanta lage digi doono si loog faa’iideyo Bulshada khayraadka uu Dhulkaas leeyahay.

3) Baahinta iso daadajinta Maamulka Dowliga ah ee Heer Gogol Ido Heer Degmo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in hananka daadajinta Maamulka Dowliga ah uu udub dhaxaad u yahoo Jubbaland isla markana Sanadkii tagsy wax badan laga qabtay didii hatankan Bulshada loo hordhigi lahaa imago xusay in Sandman 2017 uu sida ugu dhakhsiyaha badan u hirgalayo.

4 Tababarka Ciidamada Noocyadooda kala duwan.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida wuxuu sheegay in la tababaray oo la qalabeeyay qaybo badan oo kamid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland isla markana si toos ah u hawlgala Booliska iyo Hay’adaha kale ee amaanka gudaha ayuu Madaxweynahu xusay in Sanadkii tagay wax badan laga qabtay sidoö kalana Ciidamada qaranka ayuu sheegay in hawshoodiii ugu horaysay ee isku dhafka Kismaayo laga hirgaliyay taas oo uu sheegay in ay bogaadin mudan tahay.

5) Marti galinta Shirkii Madasha.

“Jubbaland waxy marti galisay in ka badan 300 Sadex Boqol oo qof oo isugu jira Madan iyo dad uu meeqamkoodu sareeyo isla markana ka qayb galayay Shirkii madasha” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

6) Hirgalinta Doorashooyinka dabdan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sheegay in gaba gabadii 2016 Magaalada Kismayo ay ka dhacday Doorashada Xubnaha labada Aqal kuwaas oo guul kusoo dhamaaday isla markana didii ugu Wanaagsanayd ku dhamaaday.
Mar uu ka hadlayay kuraasta ay madashu dib usoo celisay ayuu Madaxweynahu dhaliilay go’aankaas oo uu xusay in qaar amid ah kuraastii la laalay la fasaxay halka dhawr kursi oo lasoo celiyay la kala qaybsaday wuxuu Nasiib daro ku Tilmaamay in danbi dad ay galeen la kala qaybiyo oo kuraas kale lagu dabaqo.

7) Soo Celinta Qoxootiga.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in Jubbaland ay diyaar u that qaabilaada dada kasoo noqonaya Dhadhaab xiita hadii asna Deeganka u dhalan base Arintaas ay drawer mar aqabado ka yimaadeen.

“Anaga Diyaar waxaan u nahay in aan qaabilo dadka soo noqonaya base waxaan Dowlada Federaalka ah imo UNHCR isku maandhaafnay dadka lasoo celinayo oo aan nori inta aan lasso celin bal haloo diyaariyo Nolol ay kula qabsadaan dalka sida Waxbarasho, Caafimad, ico Shako abuur ma Aqbalayno in dad myna wax ka horaynin la iska soo daad gureeyo oo ay amid noqdaan boqolalka gudaha ku barakacay.

8) Abaaraha ka jira guud ahaan Dalka.

Madaxweynahu wuxuu Sheegay in abaarta Dalka ka jirta ay marayso meel xun isla markana loo baahan yaya in loo koco sido Bulshada Tabaalaysan loogu gurman lahaa waxaana uu sheegay in Deeganada Jubbaland ay gudi arintaa u sareen oo meelahii ugu horeeyay kaalmo ilaa hada gaarsiiyay.

9) la dagaalanka Musuq Maasuqa

Musuqa ayuu Madxaweynahu sheegay in uu la dagaalami doono imago Hay’adaha Dowlada ku dhiiri galiyay in laga dheerado musuq maasuqa si hawlaha Dowladu ay sidii logo tala galaxy ugu Socdaan.

10) Hormarinta Dhaqaalaha, Kobcinta iyo Midaynta Dakhliga Dowlada.

Madaxweynaha Jubbaland Waxaa uu sheegay in hananka uruursananta Dhaqaalaha ay dada badan Xukuumadu galisay Sanadkii 2016 ka isla markana gullo la taban karo laga gaadhay waxaana uu carabaabay in hatanka uruursananta dhaqaalahu uu yahay arin wax badan ka badalaysa hananka Maaliyadeed ee Dowlada.

11) Dhismaha Gudiyada iyo Xafiisyada Madaxabanaan ee

Dastuuriga ah Sida Gudiga Adeega Garsoorka Gudiga Dhulka Gudiga dib u Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guiyada kale ee la midka ah Madaxweynahu wuxuu xusay in Gudiyadan aad loogu baahan yahay isla markana ay qorshaha Xukuumada kamid Tahay Sanadkan Cusub ee 2017 si gaar ah Gudiga Dhulka ajuus sheegay in aad loogu Baahan yahay maadama ay bateen dacwadaha dhinaca Dhulka la xiriira.

Madaxweynahu wuxuu xusay in Dhulka Jubbaland oo dhan ay Dowladu masuul ka tahay gaar ahaan dhulka dhisan imo midka banaan ee ay lahayd Dowladii dhexe isla markana ayran girig cid qaadan karta muwaadiniinta ayuu uga digay in ay dhaqaale iska galiyaan dhul ay Dowladu leedahay oo lagala wareegi doono.
Gaba Gabadii Madaxweynahu wuxuu baaq u dirá Xildhibaanada Cusub ee labada Aqal gaar haan kawa Jubbaland laga soo doortay wuxuuna ugu baaqay in ay ka dheeradan musuq maasuq kaas oo dhib u horseedaya dalkan burburku uu daashaday.

Musharaxiinta u Tartamaya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada ayuu sheegay in ay waxa ay u Tartamayaan uu yahoo xil culus oo masuuliyad adag loona baahan yahoo Bisayl siyaasadeed iyo Siyaasad furfuran.

Humbaale News.

Mohamed ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.