Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif: Madaxdii DFS waa dambiile-yaal Qaran.

0
562

Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG aheyd, ahna musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxuu ka hadlay xaalada guud ee Dalka Soomaaliya.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dambiilayaal qaran waxuu ku tilmaamay Madaxda Dowladda Federaalka ee 4-tii sano ee la dhaafaay.

Musharax Sheekh Shariif ayaa waxuu tilmaamay in Madaxda Dowladda Federaalka ay sameeyeen Maamul Goboleedyada laga leeyahay dano siyaasadeed.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya lagu qabanayo meeshii uu 2012-kii ugu tagay, islamarkaana amniga uu yahay mid ka xun sidii hore.

Dhinaca kale, Musharax Sheekh Shariif ayaa waxuu hambalyo u diray Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo dhawaan lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho.

Musharaxan ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan horumarka Soomaaliya, taasina ay ku xiran tahay ay doortaan hogaan cusub.

Ugu dambeyn, Mudane Sheekh Shariif ayaa carabka ku adkeeyay hadii ay soo noqdaan Madaxdii Dowladda waqtigeedu dhamaaday ay dhabaato ka daran middii 4-ta sano ay gelin doonaan Dalka Soomaaliya.

Khadar maxamed siraad
Humbaale News agency
South west of somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here