Villa Soomaaliya oo dad lagu dhex toogtay

0
499

sargaal sare oo ka tirsan ilaalada madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu dhex toogtay gudaha Villa soomaaliya halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray. Qaar ka mid ah ilaalada Villa Soomaaliya oo goobta joogay aya sheegay in gaca ku dhiigluhu oo xabado baas ah ku furay sargaalka taaso dhibanaha kale sii gaartay. Madaxa Xariirka Villa Soomaaliya Shador Haji ayaa xaqiijiyay dhacdada, wuxuu sheegay in dhacdadaan ay sababtay madax-adayg ka yimid mid ka mid ah ilaalada kasoo uu taliyihu ku amray inuu qoriga dhigo, xabsigana galo. Balse ma uusan sheegin sababta markii horaba keentay in askarigaan lagu amro inuu qoriga dhigo.

Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abdirahman Abdulle Qorgaab wuxuuna ahaa ku xigeenga taliyaha ilaalada madax-tooyada Soomaaliya. Gacan ku dhiiglaha ayaa baxsaday ilaa hadana aana la ahayn meel uu jiro tasoo fadeexad ku ah ilaalada madax tooyada. waaa wax lama fishaan ah in guriga madax wayanaha dhexdiisa toogasho ka dhacdo hadana aana cidna loo soo qaban. lama oga in arintaan shabaab ka danbayso iyo in kale waana dhacdadii ugu horaysay ee nooceeda ah ka dhacdo Villa soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here