Alshabaab oo fagaaro kuyaal degmada Jilib kutoogtay nin ay sheegeen in uu katirsanaa maamulka jubbaland.

0
445

 

Shabaab ayaa Shalay fagaare ku yaalla magaalada Jilib ee gobollada Jubbooyinka ku toogatay mas’uul ay sheegeen inuu ka tirsanaa maamulka Jubballand.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegtay iney dil toogasho ah ku ridday nin lagu magacaabi jiray Col. Saalax Bashiir Cumar oo ay ku tilmaantay inuu ahaa la taliye sare oo ka tirsanaa maamulka Jubbaland.

Qaadiga Maxkamada Al-Shabaab oo fagaaraha ka akhriyay xukunkan lagu dilay sarkaalka ayaa sheegay in Col. Saalax gacanta ay ku soo dhigeen ciidamada Al-shabaab xilli uu ku sugnaa degmada Afmadow isagoo faraha kula jiray wax uu ku tilmaamay dambi ka dhan ah dadka muslimiinta.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay inay dilayso cid walba oo wada shaqeyn la leh dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM, dad badan oo dembiyo noocaas ah lagu eedeeyeyna sidan oo kale ayay fagaareyaal ugu toogteen.

Maamulka Juballand ayaan weli ka hadlin dilkan Al-shabaab ay sheegtay iney ku fulisay sarkaal iyaga ka tirsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here