Cambaareyn weyn oo la cambaareeyey gudoomiyihii hore re paarlamaanka Maxamed cismaan jawaaari

0
555

Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Cismaan Adan Dhuuboow, kan mid ahaa xildhibaanadii waqtigooda idlaaday ayaa ku dhaliilay Guddoomiyihii Baaralaamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  in uu dayacay howlihii Baarlamaanka dalka islamarkaana uu ku fashilmay howlihii loo igmaday.

Wasiir ku xigeenka ayaa soo hadal qaaday in Prof. Jawaari uu howlihii baarlamaanka u gacan galiyay Madasha Wadatashiga Qaran, oo uu sheegay in howlihii Baarlamaanka ay iyagu qabanayeen.

Mr. Dhuuboow ayaa tibaxay in Guddoomiyaha Baarlamaanka laga rabay in uu la wareego howlaha Qaran marka uu dhamaado Waqtiga Madaxwaynaha islamarkaan uu noqdo shaqsi u dhaxeya musharaxiinta.

Dhinaca kale Cismaan Adan Dhuuboow ayaa ka dhawaajiyay in xuquuqihii Baarlamaanka ay lahaayeen si gaar ah ay gacanta ugu gashay Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagana uu sabab u ahaaa in ay dayacandaan xildhibaanada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu tibaaxay wasiirka in Jawaari uu qayb ka noqday Ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu kaga qayb qaadanayo sidii uu talada dib ugu qaban lahaa Majaraha.

Khadar maxamed siraad
Humbaale News agency

Email maxamedk926@gmail.com

Tell. +252615771136.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here