Ciidanka Dawlada federaalka ee gobolka gedo oo Dagaal kuqaaday fariisimo alshabaab.

0
554

 

Dagaal culus oo u shaqeeyA ciidanka Dowlada federaalka ah ee Gedo iyo Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Federaalka oo ay caawinayaan kuwa Kenya ay weerar ku qaadeen deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo halkaas oo ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaalkaasi ayaa la soo warinayaa in uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in dhinacooda 1 Askari uu uga geeriyooday 2 kalana ay uga dhaawacmeen ayna ka dileen Al Shabaab illaa 9 dagaalyahan oo uu ku jiro Sarkaal sare sida ay hadalka u dhigeen.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Huwantu la wareegeen deegaankaasi Buusaar kadib markii Al Shabaab ay halkaasi isaga baxeen.

Ilo deegaanka ah ayaa ku soo warramaya in dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka jiraan deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo kadib markii Ciidamada Kenya ay Askar fara badan u direen Gobolkaas kuwaas oo halkaas dhaq dhaqaaqyo ka sameynaya.

Khadar maxamed siraad
Humbaale News Agency

Email. maxamedk926@gmail.com

Tell. +252615771136.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here