Beesh Reer Amiir Nuur oo waxba Kama jiraan ku tilmaamtay maamul ka cusub ee uu magacaaabay gudoomiyaha gobalka gedo Maxamed M M Aaden

0
613

Kulan Ay Magaalada Muqdisho Ku yesheen Beesha Reer Amiir nuur oo ka mid ah Belaha Marexaan ee Dego Gobalada Jubland ayaa waxa ay kaga hadleen Maamulka cusub ee dhawaan lo Magacaabay Degmada Garbo harey .

Kulanka oo aha mid ay u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee besha ee ku sugan Magaalada Muqdisho hadii ay ahaan lahayeen Dhalin yaro , Siyaasiyin ,Aqoon yahano , Haween iyo Odayaal Dhaqameed ayaa waxa ay ku cadeyeen inay Qadacsan yihiin Maamulka cusub ee dhawaan Madaxaweyne Ku xigeenka Jubaland uu u magacaabay degmada G, harey inuu noqday mid lagu duudsiyay Xaqii aya ku lahayeen Degmadaasi oo ay yihiin dad xaq u lahaa ka mid noqoshada Maamulka degmada,

 

Waxaa ay ku Cadeyay Bulshadii goobta isugu timid in Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan uu Noqday mid ku tuntay Xaqii beesha ay lahayd Madaxda Maamulka Jubland oo uu ugu Horeyo Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Jublanda Axmed Madoobe iyo Wasarada Arimaha Gudaha Maamulka Ayay ugu Baqeen inay dib u eegis ku Samayaan Habka Awood qeysiga Beelaha oo Beesha Reer Amiir nuur ay Ka la, dahay Maamulka Jubland Xaqii ay ku Lahayeen Jubland ilaa iyo Markii La dhisay Maamulkaasi.

Dowlada Faderaalka Madaxda ugu Sareyso Ayaa sido kale logu baaqay inay Cadeyaan Xaqii ay Beesha ku Lahayd Maqaamka Dowlada Faderaalka ah oo aysan Helin Hadii ay Ahaan lahayd Labada Aqal ee Dowlada ay Ka kooban tahay Waqigaaan Iyago Ka digay Xubanha Dheeriga ah ee Aqalka Sare Lagu Daray inay Dad Gaar ah La siiyo iyado Aysan Wax Xaquuuq ah helin Beesha Reer Amiir Nuur ,

Uga Danbeyntii Ayaa besha waxaa ay isku Raacaday inay Ka firsan doonto Xariirka ay la leedahay Maamulka Jubland Hadii uu Wax ka qaban waayo Cabashoodada.

Kulanka ayaa ku Soo Dhamaaday is af garad iyo in Gudiyo Beesha ay u Magacaabi doonto oo ay si hagar la, aan ah u raadin donan Xaquuqda ka maqan Beesha Reer Amiir oo ka mid ah belaha ugu Awooda Badan Gobalka Gedo.

W/Q: amiir nuur post

humbaale news

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here