Waa Maxay Buro ?
Bura waa xuub unug u korma sidii la rabay inuu kormo si ka duwan kaas oo is hortaag ku sameeyo macdanta eey u baahan tahay jirko.
Xirmashada unug ka dib waxaa imaanaayo dhimashada unugyada.
Burada madaxa waxaa loo kale qeybiyaa 2 qeybood oo kale Buro Hoose iyo Buro Sare.
Burada Hoose waa mid unugyada maskaxda isku hareereyso. Burada Hoose waxaa loo sii kale qeybiyaa 2 qeybood oo kale ah Glial iyo Non-glial (qeybo katirsan xididada maskaxda).
Burada Hoose waxeey noqon kartaa mid keento KANSAR KU DHACO MASKAXDA, mararka qaarno ma noqoto KANSAR.
Burada Sare waa mid kasoo bilaabato ineey ku dhacdo Feeraha taa oo gaarto Maskaxda.
QEYBAHA KALE DUWAN EE BUROOYINKA MASKAXDA
- CHORDOMAS
- CRANIOPHARYNGIOMA
- GANGLIOCYTOMAS
- GLOMUS JAGULAR
- MENINGIOMAS
- PINEOCTYOMAS
- PITUARY ADENOMA
- SCHWANNOMAS
BURADA CHORDOMAS
Burada Chordomas waa bura ku dhacdo inta badan meesha eey iska qabto madaxa iyo laf dhabarto.
Si tartiib tartiib ah ayeey waxeey ugu faaftaa madax intiisa kale.
Nooca burudaan oo kale waxeey ku dhacdaa dadka da’dooda ka sareyso 50 ilaa 60 sano jir.
Qaab ka ugu wacan oo lagu daaweyn karo waa qalniin. Waxaano lasoo saari dhamaan burudo.
BURADA CRANIOPHRYNGIOMA
Burada Craniophryngioma waa buro ku dhacdo qeybta ilaaliso dheecaanada maskaxda iyo macdanta eey u baahan tahay maskaxda.
Waxaa aad u adag sida lagu ogaan karo buradaaan, laakiin waxeey keentaa madax xanuun joogto ah.
Waxaa lagu daaweyn karo waa qalniin loo isticmaalaayo aalad casri ah oo kumbuyuutar iyo kaamirooyin.
BURADA GANGLIOCYTOMUS IYO GLOMUS JAGULAR
Waa buro ku dhacdo dadka qaan gaarka ah, waxeey xirtaa xididka dhiiga qaado dhagto dhinaceeda maro.
Qaab ka ugu wacan oo lagu daaweyn karo waa qalniin lagu sameeyo.
BURADA MENINGIOMOS
Burada Meningiomas waa bura qatar ah lama daaweyn karo ilaa aan la arag calaamadaheeda.
Calaamadaheeda waxaa ka mid ah :
Inuu qof ku matag joogteeyo
Arago oo shucaac kale iyo astaamo badan …
Buradaan waxeey cadaadis badan saartaa xidida dhiiga qaado ee maskaxda taa sababta dhamaan ineey hawl gab noqdaan.
Qaabka lagu daawan karo waa qalniin degdeg ah.
BURADA PINEOCYTOMAS
Burada Pineocytomus waxeey ku dhacdaa bartama maskaxda. Buradaan waxeey saameeyn ku yeelataa korniinka maskaxda iyo dheecanada eey u baahan tahay maskaxda.
Qaabka lagu daaweeyo waa qalniin lagu soo saaraayo unuga dhaawaca ah.
BURADA PITUARY ADENOMAS
Buradaan waxeey ku dhacdaa dadka da’dooda tahay 30 ilaa 40 jirada.
Calaamadaha eey leedahay waa :
Dawaqan iyo Matag
Madax xanuun goofka sare ee madaxa
Muruqyada oo daciif naqdo.
Qaabka ugu wacan oo lagu daaweyn karo waa qalniin lagu soo saaro unuga dhaawacan kaa oo lasii maraayo Gudaha Sanka.
BURADA SCHWANNOMAS
Waa burada aan keenin wax kansar ah. Sidaa ayadoo kansar aan keenin baa hadana waxaa keentaa dhimasho qofka.
Calaamadaha waa :
Hal dhag oo wax ka maqasho
Dhawaaq ka yimaado dhagto gudaheeda
Isku dheeli tirka qof ka oo luma
Hal il oo yaraato
Qaabka ugu fiican oo lagu daaweyn karo waa qalniin loo adeegsanaayo aalad casriyeesan.