Laba ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa maalin camaliyaat Istish-haadi ah ku weeraray Hotel lagu magacaabo Peace oo ay dagan yihiin diblumaasiyiinta reergalbeedka iyo madax katirsan Dowladda Federaalka.
Weeraradan oo ahaa kuwo mataana ah ayaa midka koowaad waxaa lagu dhuftay bar koontarool oo ay joogeen Ciidamada Nabad sugidda, kaas oo isqarixiyihii labaad u fududeeyey in uu gaaro Hotelka.
Qofka labaad ayaa isna gaariga ku dhuftay Hotelka Peace oo ahaa hadafka asalka ah ee ay joogeen saraakiisha AMISOM iyo shaqaale katirsan Q.Midoobe.
Hotelka ayaa ka soo horjeeda Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, Wuxuuna sidoo kale aad ugu dhow yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 30 ka mid ah saraakiil caddaan ah ayaa lagu dilay weerarka, Iyadoona 45 kalena lagu dhaawacay. Qaraxyada ayaa sidoo kale burbur xoogan u geystay dhismayaasha ka ag dhawaa garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ragga Fuliyay Weeraradaas waxaa ka mid ahaa Maxamed Abuukar M. Calasoow oo sidoo kale loo yaqaano (Ahlu Sufa).
Wuxuu in muddo ah ku dhex jiray Al-shabaab, Islamarkaana in wax badan soo taagnaa oo waqtigiisa badan ku qaatay kamid ahaanshaha xarakada Alshabaab.
Ka hor inta uusan howlgalka u dhaqaaqin, Ayuu ka tagay dhambaal, waxaana uu wareysi dheer oo uu siiyey Idaacadda Andalus kaga waramay dareenkiisa ku aadan howlgalka uu ku sii wajahan yahay iyo fariinta uu walaaladiisa kaga tagayo.