Qarax Lala Beegsaday Saraakiil Katirsan Shaqaalaha Q.Midoobe oo Ka Dhacay Gudaha Hay’adda UNDP.

0
455

Wararka ka imaanaya wadada isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isgoyska KM4 ayaa sheegaya in qarax xooggan laga maqlay xilli ay ku socdaalayeen gaadiid ay la socdeen saraakiil katirsan Q.Midoobe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen saraakiil katirsan UN-ka uu ku qarxay gudaha dhismaha hay’adda UNDP gaar ahaan qeybta gaadiidka lagu baakimo.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in qaraxa lala helay gaari Qooqan ah oo uu la socday taliyaha ammaanka ee shaqaalaha UN-ka qeybta Soomaalida waxaana ku dhaawacmay sedax qof ugu yaraan sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa kamid ah Col. Cabdi Cali oo ahaa taliyihii ciidanka ammaanka Hay’adaha Q.Midoobe ee ku sugan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here