Muxuu Sheekh cali dheere ka yiri doorashada ka socoto soomaaliya?

0
804

Af-hayeenka xarakada Shabaab ayaa waraysi uu siiyay idaaacada Aljazeera wuxuu kaga hadlay arigtidooda ku aadan doorashada ka socoto Soomaaliya. Cali dheere ayaa sheegay in waxa ka socdo Soomaaliya aan lagu tilmaami karin doorasho balse ay tahay xulasho. mar la waydiiyay waxay iyagu kaga duwan yihiin kuwaan maadama aan amiirkooda ka dooran balse ay iska dhex xushaan ayuu ku jawaabay taayadu waxay waafaqsantahay shareecada islaam waana mid xaq ku salaysan. Mar wax laga wayiiyay inay diyaar u yihiin inay u tartamaan doorashada socoto ayuaa ku jawaabay waxa socdo maahan mid wax lagu darsan karo, waa baadi baadilna wax laguma darsado sidaa darteed wuxuu cadeeyay inaysan sinaba ooga qayb galayn doorashada soomaliya ka socoto.

waa markii ugu horaysay oo ay si cad xarakada shabaab ooga hadlaan siday u arkaan doorashada. Luuqada uu isticmaalay cali dheere ayaa u muuqato mid dhex dhexaad ah isagoo aanan isticmaalin erayadii ay xarakdu caanka ku ahayd inay ku tilmaanto madaxada dowlada sida murtad iyo daba dhilif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.