Ciidamada jubbaland oo lawareegay Deegaanka Buulo Gaduud.

0
479

Howlgal culus oo maanta Ciidamada Maamulka Jubbaland oo garabsanaya kuwa Ethiopia ay ku qaadeen deegaanno ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa u suura gashay in ay kula wareegaan gacan ku heynta deegaanka Buulogduud.

Deegaanka Buulogduud ee maannta Ciidamada Huwantu kula wareegeen dagaalka ayaa qiyaastii 30 Km u jira Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa inta aysan la wareegin deegaankaasi Buulogaduud dagaal culus waxa ay kula galeen dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab.

Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ay sii socon doonaan Howlgalladooda ka dhanka ah Al Shabaab iyagoo ka gaabsaday in ay faah faahinno dheeraad ah ka bixiyaan dagaalkii maanta.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarakada Al Shabaab loogala wareegay deegaanka Buulogaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

Khadar maxamed siraad
Humbaale News agency

Email.maxamedk926@gmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here