TOOS U DHAGESO WAREYSI: Qaraxyadii Caawa Gil-gilay Magaalada Muqdisho

0
919

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxyo lagu weeraray Maqaaxi ku taalla nawaaxiga Isgooyska Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo ahaa bambaano kuwa gacanta laga tuuro ayaa sida Wararka ay ku heleyso Jubbalandnews.net waxaa lagu weeraray maqaaxida oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Maqaaxida la weeraray ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ciidamada Dowlada qaarkood oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah oo la xiriira Qaraxyadaasi, inkastoo aan weli la soo sheegin hadii ay jiraan Dad lagu qab qabtay baaritaanadaasi.

Weli ma cadda hadii gacanta lagu soo dhigay Kooxihii ka dambeeyay Qaraxyadaasi.

Ilaa iyo hada majira wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka oo ku aadan Qaraxyada Caawa ka dhacay Isgooyska Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.