Madax ka mid ah safaarada Turkiga oo Garbahaareey ku wajahan

0
606

kulaan shalay dhex maray madex kasoo jeedo gobalka Gedo iyo safiir ku xigeen turkiga ee joogo xamar ayaa looga wada haday doorka uu Turkigu ka gaysan karo abaaraha ka jiro Gedo iyo guud ahaan horumarinta gobalka. Kulan oo ahaa mid miro dhal ayaa waxaa goob joog ka ahaa barasaabka gobalka Gedo mudane maxamed muxumed maxamed, Cabdi kariin sheekh Cilmi oo ka kid ah mudanayaasha laga soo doorto Garbahareey ee baarlamaanka Juabbaland, mudane Maxamud Cali Magan oo ah rug cadaa caan ka ah dhamaan soomaliya hadana ah mudane Garbahaareey u matalo dowlada dhexe, sheekh Maxamed Gabboobe Muuse (Baaqilaani) oo ah madaxa hay’ada GUED oo gacanta ku haysa wax barashada gobalka Gedo.

Kulan ayaa si rasmi looga codsaday inay dowlada Turkigu gacan ka gaysato horumarinta gobalka taaso uu aqbalay madaxa lala kulmay. Safiir ku xigeen turkiga ayaa lagu casuumay inuu booqdo magaalada Garbahaareey taaso uu aqlabay uuna balan qaaday inuu luguhiisa ku tagi doono gobalka. Barasaabka ayaa damaanad qaaday amaanka mudanaha Turkiga waxaana la filaya in bishaan dhexdeeda uu tagi doono. lama shaacin waqtiga arimi amno dartood.

sidoo kale waxaa kulankan kasoo baxay in dhawaan turkigu Gedo usoo diri doono markab raashin ah kaaso kasoo dagi doono dakada Mombasa ee dalka Kenya. sababta keentay in Mombasa laga soo dajiyo raashinka Gedo loo wado ayaa ah inaan lagu lunsan xamar ama kismaayo oo noqday meelo lagu dubto macaawinada loogu talagalay dadka ree Gedo. Turkiga ayaa sidoo kale balan qaaday inuu tageero toos ah siin doono wax barashada gobalka Gedo.

talaabadaan ayaa ah middi ugu horaysay ee nooceeda waxayna ka mid tahay faaiidooyinka uu keenay aqooyahanka loo magacaabay xilka ugu sareeyo gobalka. Dadaalka baraaasbka ayaa tusinayso in haddi dad aqoon leh hanan lahaayeen hogaan gobalka si fudu lagu gaari lahaa horumar baaxad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here