MUUQAAL: Faarax C/qaadir Oo Shaaca Ka Qaaday In 7 Bil Ku Dhashay

0
444

Murashax Utaagan Qabashada Xilka Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa maanta jeediyey Kalmad Qayim aheyd.

Inkastoo Faarax Lagu Eedeeyo inuu Taageero ka helayo Dawlada Itoobiya Saaxiib Dhawna La Ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka warbixiyey Dhalashadiisii iyo Xog aan la ogeyn uu bixiyey.

Faarax Cabduqaadir waxa uu sheegay in 7 Bil uu ku dhashay islamarkaana uu ku qanacsan yahay Taladii Hooyadiis oo geeriyootay inuu isticmaali doono.

Waxa uu Xildhibaan Faarax sheegay in Hooyadiis ay kula dar daarantay inuu dadka qadariyo haday istaagsan yihiina la istaago xiliga ay wada hadlayaan,si maldahan ayuu Oraahdaasi uga codsaday Xildhibaanada Qaranka inay udoortaan Xilka uu raadinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here