Xaalad Halis ah Oo Soo Food Saartay C/kirin Guuleed & Xildhibaano Hub Ula Soo Baxa

0
509

Kadib Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug maanta ku yeesheen Magaalada Cadaado Ee Gobolka Gal gaduud ay kasoo saareen Arin Xasaasi ah.

Waxa Xildhibaanada ay soo gudbiyeen Mooshin ay xilka uga tuurayaan Guuleed kadib markii ay ku Dhaleeceeyeen in Qaab wanaagsan Galmudug u hogaamin waayey.

Mudanayaasha Mooshinka gudbiyey ayaa waxay ka dabaaq tamayeen Warkii shalay Cabdikiriin Xuseen Guuleed uu ku joojiyey Howlihii Hay’adaha Galmudug maadaama Doorashooyinka Qaranka la guda galay.

Xareed Cali Xareed oo ah Kuxigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ka mid ah xubnaha soo abaabulaya in Xilka laga Xayuubiyo Madaxweyne Guuleed Balse lama sii saadaalin karo sida xaaladu noqon karto.

Ilaa 50 Xildhibaan ayaana saxiixday Mooshinka Xilka looga qaadayo madaxweyne Cabdikiriin Guuleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here