Maxamed Cabdullahi Ciiro oo Garbahaareey iska soo dhiibay

0
536

warar ay saaka helayso shabakada wararka ee Humbaale ayaa sheegayo inuu xalay isa soo dhiibay sargaal sare oo ka tirsanaa ciidamada xarakada shabaab. Sargaalkaan oo lagu magacaabo maxamed cabdullahu Ciiro ayaa mar ahaan jiray gudoomiyaha dagmada Garbahaareey isagoon ka tirsanayn shabaab. sidoo kale xilligii ay shabaab qabsadeen Garbahaareey ayaan xilkaasi laga qaadin taasoo ugu danbayntii u hogaamisay inuu ka mid noqdo madaxda sare ee Shabaab.

Gudoomiyaha dagmada Garbahaareey Iiman cadow Kaarshe ayaa sheegay inay si wanaagsan u qaabileen sargaalkan isa soo dhiibay uuna ka mid noqon doono shacabka dagan dagmada. Gudoomiayah ayaa sidoo kale sheegay inaan wax dhib ah loo gaysan doonin Maxamed cabdullahi, aysana jirin danbiyo uu shaqsiyan ooga galay shacabka ree Gedo sidaa darteed lama soo taagi doono maxkamad.

Dhiniciisa Maxamed cabdullahi ayaa sheegay inuu iskiis ooga soo baxay shabaab isagoo miyir qaba aysan jirina cid qasabtay. wuxuu intaas ku daray in intuu mudda ah uu rabay inuu ka baxo shabaab balse uu sugayay waqti ku haboon.

Talabaadn uu qaaday maxamed Cabdullahi ayaa muhiim u ah nabada gobalka waxaana laga yaabaa inay horseedo isa soo dhiibitaanka rag kale oo badan. Barasaabka cusub ee gobala mudane Maxamed Muxumed ayaa horseed ka ah isu sooo dhawaynta dadka ree Gedo ee kala taageersan kooxaha iska soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here