Shacaba Yemen oo qashin qubna uu quud doondo

0
516

Dagaalka ay hogaaminayaan sacuudigu ee ka socdo dalka Yemen ayaa abuuray xaalad bini-aadamnimo. waxaa burburay dhamaan adeegyadii bulshada. Dadki ayaa shaqo beelay. habayn iyo maalin waxaa ku socdo duqayn aan loo aaba yeelin cida lagu ridayo. waxaa caadi noqtay laynta iyo barakicinta shacabka muslimiinta ah ee ree Yemen.

Dagaalkan oo lagu sheegay mid shiicada loga difaacayo qabsashada dalka suniga ah ee Yemen ayaa dhaafay waqtigii loogu tala galay in lasoo afjaro. dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkaas ayaa keenay in boqolaal caruur iyo waayeel ah u dhintaan gaajo. halka kuwa kale ay u qaxeen wadamada dariska ah sida Soomaliya iyo jabuuti. inta ku harsan gudaha ayaan haysan hoy iyo ceesh toona. wakaalada wararka ee Aljazeera ayaa tabisay inay dad ku nool yihiin waxay kasoo helaan qashin qubka. muhiimada kowaad ayaa ah inaysan caruurtayda gaajo u dhiman ayuu yiri mid ka mid ah dad deegaanka. meesha kaliya aan is leeyahay wax un baad ka heli waa qashin qubka oo lagu qubo cuuntada halowday.

Duqaynta iyo barakicinta ka sokow ma jirto wax kale oo kaalmo ah ay wadamada khaliijku siiyeen dadka ree Yemen. Hadii ay xaaladu sidaan kusii socoto waxaa la filayaa inay gaari doonto meel aan laga soo celin karin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here