Xildhibaan Faarah Cabdi Xassan oo dardaaran u diray madaxda dowlada iyo xildhibaanada cusub

0
734

Mudane xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ka mid ah xildhibaanada cusub ayaa talo u jeediyay xildhibaanada cusub, madaxda hay’adaha dowlada iyo madaxda lasoo dooran doono oo uu ka mid yahay madaxwaynuhu. Xildhibaanka oo ka walaacsan in mar kale ay soo noqdaan dhaqamadii iska daba-wareega ahaa ee u dhaxeeyay madaxda dalka ugu sarayso ayaa yiri “hay’adaha dowladda, Maamulada iyo Madaxdu waa inay ilaaliyeen sharciyada dalka si looga nabadgalo isqabqabsi” xildhibaanka ayaa tilmaamay in arinta kaliya ee looga fogaan karo is-qabqabsi inay tahay u hogaansanka sharciga dalka iyo dhaqan galintiisa, hadii taasi la waayana waxaa u yiri xildhibaanku “dalku wuxuu noqonayaa meel walba siduu rabo u dhaqmo, hadii madaxda dalka ugu sarayso aysan xurmayn sharciga dalka, sidee looga filan karaa shacabku inay u hogaansamaan sharciga”.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka digay in la isku dayo in qawaaniinta dalka wax laga badalo si loo gaaro dano gara ah. xildhibaan oo arintaa ka hadlayo ayaa yiri “Faragelin kasta oo lagu sameeyo xeerarka iyadoo dan gaar ah lagu difaacayo waxey horseedi kartaa dibdhac iyo kala tag”.

Hadalkaan uu jeediyay xildhibaan Faarax ayaa ah mid qiimo weyn ugu fadhiyo dalka iyo dadka balse lama oga saamaynta uu ku yeelan karo dadka loo jeediyay. Shacabka ayaan kalsoono weyn ku qabin mudanayaasha golaha shacabku iyadoo sidoo kale madaxdu aamisantahay inuusan jirin baarlamaan adag oo la xisaabtamo sidaa darteedna ay sharciga ugu tuntaan hadba say doonaan. si kastaba ha ahaatee waxaa laga yaabaa in rag badan oo uu ka mid yahay mudane Faarax ay isbadal ku sameeyaan aragtidaas, hormuudna ka noqdaan soo celinta sharafti galaha shacabka.

SHARE
Previous articleYaxya jaamac oo diiday in xilka uu ka dago
Next article

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here