Francisco Madeira “Dowlado Kamid Ah Howlgalka AMISOM Ayaa Ciidamadooda Kala Baxaya Soomaaliya inta lagu Guda Jiro 2017”

0
494

Mas’uulka ugu sarreeya Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in inta badan dowladaha qeybta ka ah duullaanka AMISOM ay ciidamadooda kala bixi doonaan Soomaaliya.
War uu soo saaray wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayuu ku sheegay in baaq degdeg ay u dirayaan beesha caalamka kaasi oo ku aaddan in ciidamada AMISOM lasoo kordhiyo.

Wakiilka Midowga Afrika wuxuu sheegay in 10,000 Askari oo katirsan Howlgalka AMISOM ay isaba bixi doonaan dalka Soomaaliya inta lagu guda jiro sanadda 2017 sidaas daraadeed ay caqabad kasoo wajahayso dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

“Hoos u dhac ayaan ku imaan doona howlgalka AMISOM ee Soomaaliya sababtoo ah dowlado badan ayaa qorshaynaya in ay ciidankooda labaxaan, sidaas daraadeed beesha caalamka waxaan ka codsanaynaa in ay 9,000 Askari dheeri ah soo dirto” ayuu yiri Francisco Madeira.

 

Midowga Afrika wuxuu ka cabanayaa dhaqaale xumo iyo habacsanaan taasi oo xarakada Al Shabaab u suurtagelisay in ay awoodeeda ku fidiso degmooyin ay isaga baxeen ciidamada AMISOM.

Francisco Madeira ayaa carrab dhabay in dowlado hadda ciidamadoodu ku suganyihiin ay ku hanjabeen in ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya inta lagu gudajiro sanadda 2017.

Sidoo kale warka kasoo baxay Ururka AU ayaa lagu sheegay in AMISOM aysan awoodin ka hortagidda weerarada Xarakada Al Shabaab “Tirada Ciidamada aan haysano ma awoodaan in ay ka hortagaan weerarada Al Shabaab wayna adkaan doontaa in aan sii maamulno magaalooyin hadda gacanteena kujiro”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wakiilka AU ee arrimaha Somalia.

Qeylla dhaantan kasoo yeertay Francisco Madeira ayaa imaanaysa xilli lafilayo in ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan degmooyin iyo deegaano katirsan gobollada Galguduud,Hiiraan iyo Bakool islamarkaanka Burundi ay ku hanjabtay in ciidamadeeda ay kala baxayso Soomaaliya.

Khubaro reer galbeed ah oo u kuurgala arrimaha Bariga Afrika waxay sheegayaan in waqtigan la joogo aysan Reer galbeedku awoodin bixinta dhaqaale ay kusii maalgeliyaan duullaanka Soomaaliya islamarkaana uu maranyahay jeebka ‘Deeq bixiyaasha caalamiga ah’.

Hoggaanka Xarakada Jihaadiga Al Shabaab ayaa horay u sheegay in ay sii wadayaan dagaalka inta ay ciidamada shisheeye isaga baxayaan ciidda Soomaaliy.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here